Marcus Rashford Oo Gool U Dhaliyay Man United Kulan Saaxiibtinimo Oo Ay Red Devils Ciyaartay.

Marcus Rashford ayaa qaaday talaabo u dhawaynaysa soo laabashada kadib markii uu dhaliyay 2 gool kulan saaxiibtinimo ah oo ay la ciyaartay kooxda Blackburn Rovers.

Xiddiga 23 jirka ah ayaan wali wax kulan ah u ciyaarin United xilli ciyaareedkan kadib markii uu qaliin maray bishii August.

Todobaadkii hore Rashford ayaa markii ugu horaysay qaatay tababarka buuxa ee kooxdiisa isaga oo la midoobay xiddigaha ay isku kooxda yihiin.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer Ayaa rajaynaysa in uu xiddiga Rashford taam u noqdo kulamada Man United 16 bishan haatan lagu jiro marka laga soo laabto fasaxa xulalka.

Xiddiga Rashford ayaa 2 gool ugu diyaar garoobaya soo laabashadiisa isaga oo ciyaaray 45 daqiiqo kulan saaxiibtinimo oo ay Albaabada u xidhanyihiin.

Sii Akhriso: Gabadheey, Ma Jirtaa Nin Kuugu Yeedhay Kalmada “Macaan”, Ma Is Waydiinaysaa Sababta & Waxa Uu Uga Jeedo, Halkan Kaga Bogo Warbixinta Cajiibka Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*