Marcus Rashford Oo Doortay Kooxda Uu Doonayo In Uu Ku Biiro.

Weeraryahanka Manchester United, Marcus Rashford, ayaa qirtay inuu doonayo inuu u dhaqaaqo Barcelona.

Tababare amorim iyo Rashford ayaa isku dhacay taas oo keentay in amaah lagu diro suuqii January.

Laakiin xiddiga ayaa doonaya in uu si toos ah uga tago kooxda inta lagu jiro suuqa xagaaga.

Rashford ayaa si weyn loo filayaa inuu si joogto ah uga tago xagaagan, waxaana uu haatan qirtay inuu doonayo inuu ka garab ciyaaro Lamine Yamal.

Isagoo la hadlayay kanaalka Isbaanishka ee YouTube-ka ee XBuyer, Rashford ayaa la weydiiyay inuu doonayo inuu maalin uun la ciyaaro Yamal.

Waxa uu ku jawaabay: “Haa, hubaal, qof walba oo aduunka ku nool waxa uu rabaa in uu la ciyaaro ciyaartoyga ugu wanaagsan”.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga