Marcus Rashford Oo Daqiiqadii Geerida Guul Ku Hogaamiyay Man United.

Man United ayaa guul wakhti dambe ah ka gaadhay West Ham kulan ka tirsanaa horyaalka premier League kana dhacay garoonka Old Trafford.

Kulanka ayaa ahaa mid adag iyada oo ay labada kooxoodba soo bandhigeen qaab ciyaareed ay ku doonayeen dhibcaha kulanka.

Man United ayaa dhanka maamulka ku fiicnayd xilli ay West Ham difaac ku jirtay isla markaas weeraro rogaal celis ah qaadaysay.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay bar-baro gool la’aan ah iyada oo ayna labada kooxood wax goolal ah kala dhalin.

Labada kooxood ayaa qaybtii dambe ku soo galay si dar-dar leh iyada oo mid walba doonaysay in ay ku hor marto goolka 1-aad ee ciyaarta xilli ay xiddigaha labada kooxood dadaalayeen.

Xilli ay ciyaartu u muuqatay mid bar-baro ku dhamaanaysa ayay wax walba is badaleen daqiiqadii ugu dambaysay ee ciyaarta iyada oo ay Man United heshay wixii ay doonaysay.

Daqiiqadii 90+3-aad ayay Man United dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Marcus Rashford kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay ciyarta 1/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United daqiiqadihii ugu dambeeyay heshay 3-da dhibcood ee ciyaarta iyaga oo sii xoojiyay fursadohooda booska 4-aad ee kala saraynta horyaalka.