Marcus Rashford Oo Banaanka Soo Dhigay Arin Cadayn U Ah In Ay Kooxdiisu Man City Kula Tartamayso Horyaalka Premier League Xilli Ciyaareedkan.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Marcus Rashford ayaa sheegay in guushii 9/0 ahayd ee ay Man United ka gaadhay Southampton cadayn u tahay in ay Man United horyaalka premier League kula tartamayso kooxda Man City xilli ciyaareedkan.

Man United ayaa 4 dhibcood lumisay laba kulan kadib markii ay guuldaro kala kulmeen kooxda Sheffield United ka hor inta ayna bar-baro la galin Arsenal.

Laakiin Guul weyn oo 9/0 ah ayay Red Devils ugu soo laabatay wadada guulaah kadib markii ay xasuuqeen kooxda Southampton kulan ka dhacay Old Trafford.

“Waxa aan rajaynayaa in ay guushii Southampton cadayn u tahay waliba nagu riixdo xilli ciyaareedka in aan ku guulaysano horyaalka premier League”ayuu Rashford yidhi.

“Waxa aan luminay dhawr dhibcood kulamadii ugu dambeeyay laakiin waxa aan kulankii Southampton cadaynay in aan ku jirno tartanka horyaalka”.

“Laakiin waa in aan iska ilaalino in aan mar kale dhibco lumino hadii aan doonayno in aan ku guulaysano horyaalka”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*