Marco Asensio Oo Kashifay In Uu Ku Dhawaaday Ku Biirista Barcelona.

Xiddiga Real Madrid Marco Asensio ayaa shaaca ka qaaday inuu ku dhawaaday inuu u saxiixo Barcelona ka hor kulanka El Clasico ee ugu horeeya xilli ciyaareedkaan.

Xiddiga reer Spain ayaa Madrid ugu soo biiray isagoo 18-sano jir ah oo wacdarro dhiga 2014 kadib markii uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay kooxda Mallorca.

Laakiin xiddiga ayaa haatan qirtay inuu si fudud ugu biiri karay kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan Madrid ee Barcelona waliba maanta ka hor iman lahaa Madrid.

Wareysiga uu siiyay AS, waxaa la weydiyay hadii ay run tahay inuu u saxiixi karay Barca, Asensio ayaa yiri: ‘Haa, waan kari lahaa, sidoo kale kooxo kale.

“Waxa mar walba jiray kooxo waaweyn oo xaaladaada wax kaa waydiinaya, markii aan ku biiray Real Madrid wax walba waxa ay u dheceen si deg-deg ah”.

“Marka ay fursadaasi is muujiso waa wax aan macquul aheyn in la yiraahdo maya”.

Sii Akhriso: DEG-DEG: Baarlamaanka Somaliya Oo Ansixiyay Xukuumadii Uu Soo Dhisay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*