Marco Asensio Oo Ka Hadlay Wararka La Xidhiidhinaya Barcelona.

Xiddiga Real Madrid Marco Asensio ayaa ka hadlay wararka la xiriirinaya inuu u dhaqaaqayo kooxda Barcelona.

Magaca Barcelona ayaa ka soo muuqday liiska kooxaha lala xidhiidhinayo xiddiga Asensio, kaasoo qandaraaskiisa Real Madrid dhacayo xagaaga 2023.

Asensio ayaa yiri”Run ahaantii ma garanayo in ay Barcelona doonayso saxiixaysa, kama fikirin arinta”.

“Waxa jira warar badan oo ku saabsan mustaqbalkayga, 7-da bilood ee soo socota waxa aan ku biiri karaa koox kasta oo aan doonayo”.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay”U Ciyaarista Barcelona? Runtii kaa fikirin arintaas, mana qiimayn arinta haatan wax jawaab ah ma bixin karo”.

Asensio ayaa albaabada u furay suurtogalnimada uu u kordhin karo qandaraaska uu kula jiro Real Madrid, isagoo yiri: “Waan arki doonaa waxa dhaca, ma ogid, adduunka kubada cagta arrimuhu si degdeg ah ayay isu bedeli karaan, wax kale kuuma sheegi karo sababtoo ah anigu ma garanayo”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*