Marcelo Oo Laga Doonayo Horyaalka Serie A-da, Kooxdee Doonaysa?

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Marcelo ayaa lagu soo waramayaa in uu bartilmaameed u noqday kooxda Inter Milan marka la gaadho suuqa Jnauary.

Kooxda Antonio Conte ayaa la filayaa in ay u dhaqaaqdo daafac Bidix bilowga sanadka 2021 waxana lala xidhiidhinayaa xiddigaha chelsea ee Marcos Alonso & Emerson Palmieri.

Si kasta ha ahaatee wargayska Todofichajes ayaa sheegaya in ay Inter Milan haatan bartilmaameedka 1-aad ka dhiganayso xiddiga reer Brazil kaas oo lagu heli karo lacag dhan 11 milyan oo euro.

Xiddiga 32 jirka ah ayaa Real Madrid u saftay wax ka badan 500 oo kulan tan ilaa markii uu kooxda ku soo biiray sanadkii 2007 isaga oo kula guulaystay 5 La Liga iyo 4 champions League.

Laakiin xiddiga Marcelo ayaa haatan ka baxay dookha 1-aad ee daafaca Bidix ee Real Madrid isaga oo ka dambeeya xiddiga Ferland Mendy kaas oo ah xiddiga 1-aad ee booskaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*