Daafaca kooxda Man City ee Marc Guehi ayaa diginin u diray Arsenal isaga oo sheegay in ay Man City sii xoogaysan doonto ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Arsenal Iyo Man City ayaa ku tartamaya horyaalka premier Legaue iyada oo Gunners ugu cad-cadahay ku guulaysiga horyaalka xilli ciyaareedkan.
“Dhab ahaantii, waxaan ku soconnaa jihada saxda ah. Waxaa muhiim ah inaan kooxda ahaan sii horumarino.”ayuuYidhi Guehi.
“Guul ka gaadhista ciyaaraha waa mid weyn oo muhiim ah tartan kasta, marka ilaa aan sidan ku sii socono, ma arko sabab aan u gaadhi karin yoolalkayaga xilli-ciyaareedkan.”
Man City ayaa haatan 6 dhibcood ka dambaysa kooxda hogaaminaysa horyaalka premier League ee Arsenal.
Be the first to comment