Daafaca Chelsea, Marc Cucurella, ayaa sheegay in kooxda aysan ku degdegin inay shaqada ka caydhiso tababare Enzo Maresca.
Waxaa la xusuustaa in Chelsea ay shaqada ka ceyrisay Maresca maalintii sanadka cusub kaddib natiijooyin liita oo xiriir ah.
Kooxda reer galbeedka London ee ka ciyaarta Premier League ayaa markaas kadib magacowday Liam Rosenior inuu noqdo badalka Maresca ee Stamford Bridge.
Si kastaba ha ahaatee, Cucurella wuxuu aaminsan yahay in Blues ay ahayd inay sugto ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka ka hor inta aysan go’aankaas qaadan.
“Markii uu Enzo Maresca tagay, waxay si weyn noo saameysay,” ayuu ciyaaryahanka reer Spain u
“Haddii aad i weydiin lahayd, go’aankaas ma qaadan lahayn. Isbeddel sidan oo kale ah, waxa ugu fiican waa in la sugo ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka.”
Be the first to comment