Mar Walba Waan Ku Kalsoonaa In Ayna Liverpool Bar-Barayn Karin Rikoodhkii Guuldaro La’aanta Ee Arsenal.

Halyeeyga kooxda Arsenal Nigel Winterburn ayaa shaaca ka qaaday inuu had iyo jeer kalsooni ku qabay in ayna Liverpool Awood u lahayn in ay bar-barayso rikoodhkii taariikhiga ahaa ee Arsenal ay horyaalka ku qaaday guuldaro la’aanta.

ciyaareedkii 2003-04, kooxda Arsene Wenger ayaa guuldaro la’aan ku dhamaystay iyada oo aan guuldaro la kulmin iyaga oo horyaalka ku qaaday 90 dhibcood.

Guushaas ayaan dib looga dhigin horyaalka premier League xitaa kooxdii Man City ee 100 dhibcood ku qaaday horyaalka premier League laakiin waxa laga badiyay 2 kulan.

Si kasta ha ahaatee Liverpool ayaa u muuqatay kuwo ugu dambayn bar-barayn kara rikoodhkaas xilli ciyaareedkan iyaga oo aan wax guuldaro ah la kulmin ilaa February.

Laakiin guuldaro lama filaan ah oo 3/0 ah oo ka soo gaadhay Watford ayaa soo afjartay rajadii Reds ee in ay guuldaro la’aan ku qaado horyaalka premier League.

Winterburn ayaa aaminsan in tani ay muujineyso sida ay ugu adag tahay in mar kale rikoodhkaas la dhigo isaga oo qirtay in uuna marna u malaynayn in ay Liverpool samayn karto.

Isagoo la hadlayey Gambling.com, Ayuu Winterburn yidhi”Waa wax adag in ay adagtahay in la sameeyo wixii ay Arsenal samaysay”.

“Dadku waxa ay ka hadlayeen sida ay Liverpool u fiicantahay waliba horyaalka ay si fudud ku qaaday laakiin way adagtahay in guuldaro la’aan la ahaado 38 kulan”.

“Waa wax aan macquul ahayn in la gaadho rikoodhkaas sabab la xidhiidha heerka haatan ee premier League, Arsenal way gaadhay rikoodhkaas laakiin marka la eego sida ay Liverpool iyo Man City u ciyaareen 2-dii ilaa 3-dii sano ee la soo dhaafay iyaga oo waliba ku fashilmay in ay gaadhaan rikoodhkii Arsenal ayaa ka dhigaysa mid cajiib ah”.

“Had iyo jeer waxa aan ku kalsoonaa ka Arsenal ahaan in ay Liverpool guuldaro la kulmi doonto sababta oo ah waxa ay dhibco badan ka horaysay kooxaha kale”.

“Xitaa hadii ay Guuldaro la’aan ku qaadaan horyaalka wali waxa aan aaminsanahay in ay kufi lahaayeen hal kulan oo ka mid ah kulamada u hadhay”.

Sii Akhriso: Maamul Goboleedyadu Shaqo Kuma Lahan Arimaha Doorashada, Baarlamaanka Ayaa Xaq U Leh.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*