Mar Kale , Bayern Munich Oo Ku Xarakeysay Barcelona , Guul Ay U Qalmeen Ayay Ka Soo Gaareen

Bayern Munich ayaa guul ay u qalantay ka gaartay Barcelona oo ay marti u ahaayeen waxa ayna uga talaabsadeen laba gool oo nadiif ah

Bayern Munich ayaa nasiinada ugi dirtay Barcelona hal gool oo nadiif , waxa uuna kulankaan ka tirsanaa wareegga 1-aad ee Group-yada Champion-ka

Munich ciyaar wacan ayay soo badhigeen  waxa ayna Munich ka qabsadeen kooxda Barca dagaalka qadka dhexe iyo waliba garbaha

Munich fursado xaqiiq ahaa waxaa u diiday goolhayaha Bacelona , xilli kooxda reer Spain ay ka sheeganayeen qasaarinta kubadda iyo in durba ay soo laabtaan marka kubadda cagtooda ay  ka baxdo .

Barcelona isku dayo afka hore waa ay sameynayeen  balse go`aaminta ayaa ka maqnaa balse guud ahaan ciyaarta qurux badan aayy soo bandhigeen labada koox

Qeybta labaad , Munich  weerar ahaan waa sii xoogeysteen waxaana Barca ka muuqday cabsi in ay weerar ku dhiiradaan

Run ahaantii Munich , jir ahaan , taatiko ahaan   iyo maskixyan waa ka sareeyeen Munich waana u nuglaayeen gool  labaad oo ay helaan ilaa mid labaad ay shabaqa dhigeen daqiiqaddii 56-aad waxaana saxiixay Robert Lewandowski

Qeybihii dambe ciyaarta , Barcelona isku dauo ayay sameynayeen balse waxaa ka muuqday deg deg dhanka o`aan qaadashada ah taasi oo keeeysay in kubadda cagtooda ka baxdo

Si kastaba , Munich dhamaadkoo gool sedexaad ayay ku heleen Barca waxaana daqiiqadii 85=aad saxiixay Robert Lewandowski , waxa ciyaarta ku dhamaatay sedex  gool oo ay Munich ku garacaeen Barca oo kulankaan bilaa dareen aheyd

 

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*