Manuel Ugarte Oo Sharaxay Sababtii Uu Ugu Biiray Man United.

Manuel Ugarte ayaa sharaxay sababihii uu ugu biiray Manchester United xagaagan isaga oo kaga soo biiray PSG.

Ugarte, oo 23 jir ah, ayaa ugu dambeyntii dhameystiray ku biiristiisa Red Devils maalintii ugu dambeysay ee uu kaga soo biiray kooxda Faransiiska lacag dhan 51 milyan oo euro.

Xiddiga ayaa la soo bandhigay kulankii ay Man United guuldarada kala kulantay Liverpool Axadadii waxana uu haatan ku biiray xulka qarankiisa Uruguay.

23-sano jirkaan – kaasoo bartilmaameed u ahaa xagaagan oo dhan Red Devils – ayaa shaaca ka qaaday sababta uu ugu dhaqaaqay England.

“Sababta ugu horaysa waa taariikhda kooxda, dhamaanteen waxa aan ognahay in ay tahay koox weyn, Man United waa kooxda ugu weyn adduunka”.

“Sidoo kale wax badan ayaan la hadlay Facu Pellistri, wax walbana wuu ii sheegay. Jawiga ka dhashay, jawiga maalinta ciyaarta ee ku soo kordhay Old Trafford waa mid cajiib ah”.

“Marka haa, runtii aad ayaan u faraxsanahay. Waxaan jeclaan lahaa inaan khibrad u yeesho garoonka cajiibka ah ee Man United ciyaaryahan ahaan oo aan dareemo joogitaanka taageerayaasha”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga