Manuel Locatelli Oo Iska Diiday Arsenal

Xiddiga khadka dhexe ee Sassuolo Manuel Locatelli ayaa lagu soo waramayaa inuu diiday fursad uu ugu dhaqaaqi lahaa Arsenal xagaagan.

Gunners ayaa suuqa ugu jirta in ay xoojiso khadka dhexe kadib markii ay xiddigaha Dani Ceballos iyo Martin Odegaard isaga tageen kooxda kadib markii uu dhamaaday heshiiskoodii amaahda ahaa.

Xiddigaha Granit Xhaka iyo Lucas Torriera ayaa sidoo kale la filayaa in ay isaga tagaan kooxda suuqa xagaagan taas oo keentay in uu Mikel Arteta Locatelli u calaamadsado bartilmaameed muhiim ah.

Si kasta ha ahaatee shabakada Goal ayaa sheegaysa in Locatelli uusan xiiseyneyn kubiirista kooxda Arsenal waxaana uu ka doortay in uu ku biiro kooxda Juventus.

Heshiiska Locatelli ee kooxdiisa ayaa dhici doona xagaaga 2023 waxana la rumaysan yahay in lagu qiimeeyo lacag dhan 34 milyan oo euro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*