Manuel Locatelli Oo Heeggan Giliyay Kooxaha Doonaya Saxiixiisa , Maxuuna Ka Yiri Xiisaha Juventus?

Qadka dhexe Sassuolo ee Manuel Locatelli ayaa ka hadlay msuatqblkiisa ka dib markii si weyn loola xariiriyay koox ay ku jirto Juventus

Laacibka ayaa carabka ku adkeeyay in wax lagu raaxeysto tahay in uu xiiso ka haysto dhanka Juventus, waxa uuna laacibkaan ka mid ahaa xiddigihii Italy ku hogaamiyay koobka qaramada yurub

Laacibkaan 23 sano jirka ah ayaa waxa aad u doonaya kooxo ay ugu horeyso Juventus , waxaana ku wehliya Arsenal iyo Dortmund

Mar la weydiiyay xiisaha Juve u qabto saxiixiisa isaga oo dhoola cadeynaya ayuu ku jawaabay” Juventus? xiisahaas waa mid dhadhan leh , Juventus waa koox wacan”.

” Haatan ayaa la joogaa waqtigii arimaha suuqa laga fikiri lahaa , waxaan ku mashquulsanaaa koobka qaramada yurub” ayuu raaciyay Manuel Locatelli

Hadalka laacibkaan ayaa loo micneeyay in uusan diidaneyn in uu u wareego Juventus kuwaasi oo si xooggan u doonaya

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*