Mane Oo Shaaca Ka Qaaday Qaabkii Uu Jurgen Klopp Uga Fal Celiyay Bixitaankiisa Liverpool.

Xiddiga cusub ee Bayern Munich ee Sadio Mane ayaa shaaca ka qaaday sidii uu Tababare Jurgen Klopp uga fal celiyay bixitaankiisa Bayern Munich.

Mane ayaa maanta noqday xiddig Bayern Munich isaga oo soo afjaray 6 sano oo uu joogay kooxda Liverpool.

Sadio Mane oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Klopp waxa uu noqday mid niyad jabay in aan ka boxo kooxda laakiin nasiib wacan ayuu ii rajeeyay, mar walba waan xasuusnaan doonaa waxa uu uu qabtay”ayuu Mane yidhi.

“Waxa aan 6 sano oo cajiib ah ku qaatay liverpool, waxana jooga dad aad u fiican, may faraxsanayn in aan ka tago laakiin Nolosha ayaa sidan ah”.

“Klopp waa qof fiican waxa uu doonayay in aan sii joogo Liverpool laakiin waxa uu fahmay xaaladayda, waxa aan Liverpool la gaadhnay wax walba”.

Klopp ayaa Mane ku tilmaamay mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican Liverpool iyada oo uu xiddigu isaga tagay kooxda kadib 6 sano oo uu joogay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*