Manchester United Oo Guuldaro Ku Soo Idleysey Xili Ciyaareedka Kadib Markii Ay Garaacdey Crystal Palace

Kooxaha Crystal Place Iyo Manchester United ayaa kulankii ugu dambeyey ee horyaalka Ingriiska xili ciyaareedka 2021/2022 wada ciyaarey kaas oo ka dhacay garoonka kooxda Crystal Place waxaana uu ahaa kulan aad u muhiim ah.

Manchester United ayaa waxaa ay kulankan u baahneyd in ay guul gaarto si ay ugu xaqiijisato booska loogu soo baxo koobka Europa League-ga.

Labadda kooxoodba dadaal dheeri ah ayeey muujiyeen si ay mid walba tan kale natiijo wanaagsan uga hesho, isla markaana ay guul uga gaarto

Qeybtii hore daqiiqadii 37aad kooxda Crystal Place ayaa gool heshey kadib markii uu gool u dhaliyey xiddigooda Wilfried Zaha ciyaartana ka dhigey gool iyo waxba oo ay ku hogaamineyso kooxda Crystal Place.

Daqiiqadihii qeybtii kowaad ayaa ku soo dhamaatey gool iyo waxba oo ay ku hogaamineyso kooxda Cryatal Palace.

Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa bilaabatey manchester united cadaadiskeeda ayeey kordhisey, halka Crystal Place ay iyaduna ku dadaaleysey in ay sii fogeyso natiijada ama ugu yeraan ay heysato natiijadeeda.

Dadaal dheer kadib oo ay Manchester United sameysey waa ay suura geli weysey in ay goolkaasi iska soo gudaan, halka Crystal Place ay iyaduna ku adkaadey in ay goolkaasi tirada ku kordhiyaan,

Ugu dambeyn Daqiiqadihii 90ka ahaa iyo waqtigii lagu darey ayaa waxaa ay ciyaarta ku soo idlaatey gool iyo waxba oo ay guusha ku raacdey kooxda Crystal Palace.