Manchester City Oo Isha Ku Haysa In Ay Rikoodhayso Taariikhi Ah Oo Laga Dhigay Kubada Cagta England

Kooxda Man City ayaa isha ku haysa guushii 14-aad ee tartamada oo dhan marka ay caawa la ciyaari doonaan kooxda Liverpool horyaalka premier League.

Citizen ayaa haatanba dhigtay rikoodh kooxdeeda ah kadib 13 kulan oo xidhiidh ah oo ay badiyeen tartamada oo dhan kuna jiraan 9 kulan oo premier League ah.

Man City ayaa haatan isha ku haysa in ay bar-barayso rikoodhka guulaha ee taariikhda kubada cagta England hadii ay ka badiyaan Liverpool.

Kooxda Pep Guardiola ayaa noqon karta kooxdii ugu horaysya ee guul gaadha 14 kulan oo xidhiidh ah tartamada oo dhan tan ilaa kooxda Preston North End oo rikoodhkaas dhigtay sanadkii 1892 iyo Arsenal oo rikoodhkaas dhigtay 1987.

Man City ayaa haatan 2 dhibcood ku hogaaminaysa horyaalka waxana ay 5 dhibcood ku qaban karaan hogaanka hadii ay caawa garaacaan kooxda Liverpool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*