Man Utd, Chelsea Mise Leicester? Rio Ferdinand Oo Saadaaliyay Labada Kooxood Ee Ku Dhamaysan Doona 4-ta Boos Ee Ugu Sareeya Premier League.

Halyeeyga Kooxda Man United ee Rio Ferdinand ayaa saadaaliyay in ay kooxaha Chelsea iyo Man United ku dhamaysan doonaan 4-ta boos ee ugu sareeya horyaalka premier League xilli ciyaareedkan una soo bixi doonaan champions League xilli ciyaareedka dambe.

Tartanka loogu jiro boosaska champions League ayaa la isla aadi doonaa maalinta ugu dambaysa premier League kadib markii United iyo Leicester City ka kala badiyeen Sheffield United iyo Crystal palace.

3-da kooxood oo ku tartamaya 2 boos oo kala dambeeya kaliya hal dhibic ayaa wada gali doona labada kulan ee ugu dambeeya horyaalka Premier League.

Rio Ferdinand oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxan u malaynayaa in ay Chelsea garaaci doonto kooxaha Liverpool iyo Wolves iskana xaadirin doonto champions League xilli ciyaareedka dambe”.

“Sidoo kale waxa aan aaminsanahay in ay Man United garaaci doonto West Ham Iyo Leciester City una soo bixi doonto champions League”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*