Man Untited Oo Ka Hadashay Qorsheheeda Suuqa January

Agaasimaha kooxda Man United ee John Murtaugh ayaa meesha ka saaray in Red Devils ay heshiisyo cusub samayn doonto suuqa kala iibsiga January ee soo socda.

Suuqii xagaaga ee la soo dhaafay kooxda Man United ayaa suuqa galisay lacag dhan 220 milyan oo euro kuwaas oo ay ku xoojisay kooxda.

Murtaugh oo la hadlaya Daily Mail ayaa yidhi”Suuqii xagaaga waxa aan samaynay saxiixyo waaweyn kuwaas oo aan ku xoojinay kooxda 1-aad”.

“Sidoo kale kooxda waxa ka tagay xiddigo kale waana arinta ugu muhiimsan ee aan dib ugu dhisayno kooxda”.

“Waxaan sii wadi doonaa taageerada Erik Ten Hag, anagoo hubinayna inuu haysto ciyaartoy tayo iyo shakhsiyad sax ah si uu u guuleysto”.

“Guud ahaan, ma fileyno in aan dhaq-dhaqaaq badan samayno suuqa January waxana aan muhiimada siin doonaa suuqa kala iibsiga xagaaga”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*