Man United Waxa Ay U Dabaal Dagtay Sidii Ay Ku Guulaysteen Horyaalka.

Tababaraha Kooxda Man United ee Ralph Hasenhuttl ayaa sheegay in ay Man United u dabaal dagtay sidii ay ku guulaystay horyaalka Premier League kadib guushii soo laabashada lahayd ee ay ka gaadheen Southampton.

Tababaraha Southampton Ralph Hasenhuttl ayaa sheegay in ay xiddigihiisu amaan ka helaan in ay Man United ku qasbeen dabaal dag kadib markii ay 2/0 uga hor mareen.

“Waxa aan a maqalnay qolka Labiska waxa ay u dabaal dagayeen sidii ay ku guulaysteen horyaalka premier League”ayuu Ralph Hasenhuttl yidhi.

“Arintaas waxa ay noo ahayd wax fiican sababta oo ah marka aad koox weyn ku qasabto in ay guusha ay kaa gaadhaan ula dhiganto horyaalka”ayuu sii raaciyay

Sii Akhriso: DEG-DEG: Somaliya Oo Muqdisho Ka Caydhisay Safiirka Kenya U Fadhiyay Somaliya & Sababta Oo La Ogaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*