Hordhac: Man United Vs Southampton : Wiilasha Ole Dhacdo 9 Sano Ka Maqan Ayay Kulankaan Sameyn Karaan

Scott McTominay oo kulankii Arsenal loo badalay calool xanuun waxa uu haatan diyaar buuxa u yahay kulankaan

Eric Bailly ayaa laga yaabaa in uu bedelo Victor Lindelof, kaasi oo ku dhibtoonaya in uu ciyaaro labo jeer asbuucii sababo la xiriira dhibaato dhabarka ka haysa

Xogta Kulanka

* Man United waa bilaa guul darro 9 kulan oo hore ee horyaalka ah lana ciyaareen Southampton , afar waa waa badiyeen 5-na waxa ay galeen bar bar dhac balse haddii kulankaan badiyaan waxa aya noqoneysaa markii ugu horeeysay labada is arag garacayaan kooxdaas tan iyo xili ciyaareedkii 2012/2013-kii

* Dhamaan guul darooyinka United ay horyaalka kala kulmeen xilli ciyaareedkaan waxa ay ku qabsatay Old Tarfford.

* Todobada gool ee uu Rashdord dhaliyay xilli ciyaareedkaan ee horyaalka waxa ay ku dhasheen Old Trafford.

* Fernandes 5 kulan ayuusan wax gool ah dhalin ah ama caawin waana markii ugu xumeyd tan iyo markii uu United yimid sanad ka hor

* Southampton waxa ay halis ugu jiraan in kulankii 4-aad ee xariir ah oo horyaalka ah laga badiyo ,haddii ay dhacdo waxa ay u noqoneysaa markii ugu horeeysay tan iyo April 2018-kii

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*