Hordhac: Man United Vs Sheffield United: Man United Oo Rikoodh Fiican Ku Leh Sheffield United

Kooxda Man United aya marti galin doonta kooxda Sheffield United Kulan ka tirsan todobaadkii 20-aad ee horyaalka Premier League.

Kooxda Man United ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay sii wadaan guulaha kuna sii dhawaadaan ku guulaysiga horyaalka premier League.

Dhanka kale kooxda Sheffield United ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay gaadhaan guushoodii 2-aad ee Premeir League xilli ay u dagaalamayaan sii joogista horyaalka premier League.

Kulanka: Man United Vs Sheffield United

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 11:15

Garoonka: Old Trafford

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Man Utd ayaa badisay dhamaan afartii kulan ee Premier League ee ay garoonkeeda kula ciyaartay Sheffield United.

Xiddiga Marcus Rashford ayaa si toos ah ugu lug lahaa lix gool seddexdiisii ​​kulan ee uu Premier League ka hor tagay Sheffield United 3 Gool iyo 3 caawin.

Kooxda Man United ayaa badisay 7-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ka hor tagtay kooxda Sheffield United guulahaas ayaana bilowday bishii August 1975

Kooxda Sheffield United ayaa 35 dhibcood ka hoosaysa Man United laakiin Kooxda Hogaaminaysa horyaalka ayaa kaliya badisay hal kulan 6-dii kulan ee ugu dambeeyay marka ay ugu yaraan 35 dhibcood ka hooreeyaan koox halka Red Devils laga badiyay 2 ka mid ah 3-dii kulan ee ay la ciyaareen koox ay garoonkeeda kula ciyaareen koox ay dhibco badan ka horeeyeen kulamadaas ayaana kala ah West Brom oo 1/0 uga badisay United iyaga oo ka horeeyay 50 dhibcood 2018 iyo Cardiff City oo 2/0 uga badisay Man United iyaga oo ka horeeyay 35 dhibcood sanadkii 2019.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*