Man United Vs Liverpool: Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Labada Kooxood Oo La Soo Saaray Ka Hor Kulankooda Galabta.

Wax badan ayaa is badali kara muddo sanad ah kubada cagta xafiiltanka xoogan ee ka dhexeeya kooxaha Man United iyo Liverpool ayaana haatan cadayn u ah wax walba oo aad u baahantahay.

bishii January 2020 markii ay Liveprool ku jirtay qaab ciyaareedka cajiibka ah waxa ay Man United ku marti galisay Anfield waxana ay ku badisay 2/0 iyaga oo sii xoojiyay fursadohooda ku guulaysiga horyaalka.

Halyeeyada Liverpool ee John Barnes, Danny Millis ayaa labadooduba magacaabeen shaxda isku dhafka ah ee ka kooban kaliya Liverpool iyada oo uu seegay xiddig kasta oo Man United ah taas oo ka yaabisay Klopp.

Wakhtigaas sheegashada labada Halyeey la yaab ma noqon sababta oo ah Liverpool ayaa duulaysay halka ay Man United u dagaalamaysay 4-ta boos ee ugu sareeya.

Si kasta ha ahaatee haatan koox ay khabiiro ku jiraan ayaa doortay shaxda isku dhafka ah ee Man United iyo Liverpool ka hor kulankooda caawa ee horyaalka premier League.

Arinta la yaabka leh ayaa ah in ay Liverpool shaxda ku leedahay kaliya 4 xiddig halka ay Man United shaxda ku leedahay 7 xiddig.

Manchester United vs Liverpool combined XI: Who gets the nod up front or  alongside Bruno Fernandes? | Daily Mail Online

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Waddo Oo Khaldan Oo Fashil Ah Oo Ay Ragga Qaar Jacaylkooda Ugu Soo Bandhigaan Gabadha Ay Jecelyihiin, Iska Ilaali Ninow.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*