Man United Oo Xiddiga Ay Ka Garab Ciyaarsiin Doonto Harry Maguire Ka Heshay Premier League.

Kooxda Man United ayaa isku diyaarinaysa in ay mar kale weerar suuqa ah ku qaado kooxda Leicester City iyaga oo isku diyaarinaya in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga daafaca dhexe ee Wesley Fofana.

Man United ayaa Harry Maguire kala soo wareegtay Leicester City xagaagii 2019 waxana ay doonayaan in ay haatan u dhaqaaqaan saxiixa daafaca Wesley Fofana si ay uga garab ciyaarsiiyaan Maguire xilli ciyaareedkii hore.

Wargayska Foot Mercato ayaa sheegaya in ay Man United la xidhiidhay wakiilka xiddiga Wesley Fofana oo 20 jir ah si ay ugu qanciyaan in uu ku biiro Old Trafford suuqa xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedka.

Tababare Ole Gunner Solskjaer ayaa Wesley Fofana u arka xiddiga ugu munaasibasan ee ka garab ciyaari kara kabtankiisa Harry maguire xilli ciyaareedka dambe si ay ugu tartamaan koobabka.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Wado Fudud Oo Aad Jacaylkaaga Ugu Muujin Kartid Gacaliyahaaga, Hadii Aad Samaysid Adiga Ayaa Abid Iska Leh Qalbigiisa, Meelna Kaagama Socdo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*