Man United Oo Xasuuqday Bournemouth Kulan Saaxiibtinimo.

Kooxda Man United ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Bournemouth kulan ka tirsanaa isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Kulanka ayaa ahaa mid Ay Man United ku soo gashay xiddigo u badan kuwii sii joogay kooxda xilli ciyaareedkii hore.

Xiddiga Ramus Hojlund ayaa dhaliyay goolka 1-aad daqiiqadii 8-aad isaga oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Xiddiga Patrick Dorgu ayaa daqiiqadii 25-aad dhaliyay goolka 2-aad halka uu Amad Diallo dhaliyay goolka 3-aad.

Xiddiga Ethan Williams ayaa daqiiqadii 72-aad dhaliyay goolka 4-aad ee kooxda Man United.

Daqiiqadii 88-aad ayuu daafaca Matthijs de ligt  si khaldan gool isaga dhaliyay.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga