Man United Oo Xaqiijisay Xiisaha Ay U Qabto Xiddig U Ciyaara Inter Milan

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay ‘xaqiijisay’ xiisaha ay u qabto Marcelo Brozovic, iyadoo xiddiga reer Croatia uusan weli saxiixin qandaraas cusub Inter Milan.

28 jirkaan ayaa mar kale muhiim u ah kooxda heysata horyaalka Talyaaniga xilli ciyaareedkan, isagoo saftay sagaal kulan tartamada oo dhan, oo ay ku jiraan todobo kulan oo Serie A ah.

Brozovic ayuu heshiiskiisa Inter Milan dhici doonaa dhamaadka xilli ciyaareedkan iyada oo uu xiddigu qaab xor ah uga tagi karo xagaaga.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ay kooxaha Man United, Tottenham iyo PSG xiisaynayaan saxiixa xiddiga reer Crotia.

Sida laga soo xigtay Calciomercato, Red Devils ayaa hadda ‘xaqiijisay’ xiisaha ay u qabaan, iyadoo tababaraha kooxda Ole Gunnar Solskjaer uu isku diyaarinayo bixitaanka Donny Van de Beek iyo Paul Pogba.

Sii Akhriso: Gabadheey, Ma Jirtaa Nin Kuugu Yeedhay Kalmada “Macaan”, Ma Is Waydiinaysaa Sababta & Waxa Uu Uga Jeedo, Halkan Kaga Bogo Warbixinta Cajiibka Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*