Man United Oo Xaqiijisay Dhaawaca Mason Greenwood, Miyuu Ciyaari Karaa Kulanka Crystal Palace?

Manchester United ayaa xaqiijisay in uu shaki ku jiro in uu Xiddiga wacdaraha dhigaya ee Mason Greenwood ciyaari karo kulanka caawa ee Crystal Palace kadib dhaawacii kuraanta ee ka soo gaadhay kulankii Southampton.

Xiddiga 18 jirka ah ayaa ku dhaawacmay kadib markii uu loolan adag kala kulmay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Southampton ee Oriol Romeutaas oo keentay in laga saaro ciyaarta.

United ayaa haatan xaqiijisay in uu Greenwood soo gaadhay dhaawac kuraanta ah waliba shaki ku jiro in uu ciyaari karo kulanka caawa ay la ciyaari doonaan Crystal Palace.

“Waxa uu ka dhaawacmay kuraanta waxana aan sugi doonaa si aan u qiimayno xaaladiisa saacadaha soo socda ka hor kulanka”ayuu Solskjaer yidhi.

Greenwood ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay tan ilaa markii dib loo bilaabay xilli ciyaareedka isgaa oo dhaliyay 4 gool 5-tii kulan ee ugu dambeeyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*