Man United Oo Wax Ka Badashay Qorshihii Isku Diyaarinta Xilli Ciyaareedka Dambe

Kooxda Man United ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ayna xagaaga u bixi doonin safardii isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Xilli si weyn loo filayay in ay Man United wax ka badasho safaradeeda isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub sabab la xidhiidha xanuunka Korona laakiin markan ayaa noqon doona markii ugu horaysya ee ayna samayn doonin safar isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ah.

Xagaagii hore United ayaa wakhti ku qaadatay Australia iyo bariga dhexe ee fog waxana la filayay in ay xagaagan aado India qayb ka mid ah safarkeeda laaiin haatan waa la joojiyay arintaas.

Markii ugu dambaysay ee ayna Man United ka bixin Yurub isku diyaarin xilli ciyaareed ayaa ahayd 2002/2003 markaas oo ay kulamo ku ciyaareen Norway & Holland.

Madaxa dhaqaalaha Man United ee Cliff Baty ayaa sheegay in la kansalay safarkii kooxda ee xilli ciyaareedkan sabab la xidhiidha in la dhamaystiri waayay xilli ciyaareedka prmeier League iyo Europa League.

Advertisements

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*