Man United Oo War Xun Ka Heshay Tababarka Ka Hor Final FA Cup-ka

Tababaraha kooxda Manchester United Erik ten Hag ayaa shaaca ka qaaday in Harry Maguire uu ka maqnaan doono kulanka finalka FA Cup-ka ee ay sabtida la ciyaari doonaan kooxda Manchester City.

Maguire ayaa seegay afartii kulan ee ugu dambeeyay ee Man United xilli ciyaareedka 2023-24 sabab la xiriirta dhibaato muruqa ah, laakiin waxaa la filayay inuu taam u noqdo kulanka Wembley Stadium.

Ten Hag, si kastaba ha ahaatee, ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in daafaca dhexe uusan ciyaari doonin isbuucaan, iyadoo dhaawaciisa uusan u bogsanin sidii la filayay.

31-sano jirkaan oo xilli ciyaareedkaan ku dhameysan doona 31-kulan tartamada oo dhan Red Devils ayaa sheegay Arbacadii inuusan hubin inuu diyaar u yahay kulanka finalka iyo in kale.

“Harry Maguire lama heli karo laakiin inta soo hartay, dhamaan ciyaartoyda aad sheegtay [Lindelof, Mount iyo Martial], waxaan filayaa inay diyaar yihiin,” ayuu Ten Hag u sheegay suxufiyiinta shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka.

“Waxaan heysanaa, berri, tababarkii ugu dambeeyay, ka dibna waxaan helnaa go’aamo kama dambeys ah, laakiin, sida aan hadda kormeero, waxay u muuqataa mid wanaagsan.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga