Man United Oo War Ka Tiri Baacsiga De Jong , Tababare Ten Hag Ayaa Jawaab Cad Ah Bixiyay

Tababaraha Man United ee Ten Hag ayaa hoosta ka xariiqay in kooxdiisa ay dooneyso in ay isa sii xojiso xagaaga welina ay horyaalaan doorashooyin kala oo kooxda xiddigo cusub lagu keenayo .

Waxa uu carabka ku adkeeyay in United ay soo sameneyso hisiisyo cusub balse aysan u baahneyn in ay la soo hishiiyaan qadka dhexe Barcelona ee De Jong

De Jong ayaa si weyn loola xariirinayay United xilli Chelsea loolanka ay qeyb ka noqotay taasi oo ay si dheer tahay wiilka reer Holland oo aan dooneyn in xagaagaan uu baxo.

Kulan wareedka ka horeeya ciyaarta Brighton ee axadda ayuu Ten Hag ka yiri ” weli waxaan wadnaa qorshe kooxda aan ku xoojineyno , suuqa weli waa ku jirnaa”

” Sidaas o ay tahay waan ku faraxsanahay shaxda kooxda ee haatan , aad ayaan u shaqeyneynaa”.

Arinta De Jong waxa uu ka yri ” miyaan dooneynaa De Jong? ma ogeyn taasi ! kama hadli karo xiddig koox kale u jooga, arintaas si cad ayaan uga hadleynaa”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*