Man United Oo War Fiican Ka Heshay Xaalada Dhaawac Ee Harry Maguire.

Kabtanka Manchester United Harry Maguire ayaa lagu soo waramayaa inuu diyaar u noqon karo kulanka Premier League ee ay galabta Sabtida la ciyaarayaan Leicester City.

28 jirkaan ayaa ku dhaawacmay kulankii ay Man United guuldaradu kala kulantay ooxda Aston Villa 25 bishii September taas oo la macno ahayd in uu seego kulamadii Villarreal iyo Everton.

Maguire markii hore Lama filayn in uu soo laabto ilaa dhamaadka bisha October laakiin sida laga soo xigtay Manchester Evening News, daafaca dhexe ayaa laga yaabaa inuu safto kulanka Leicester City.

Xiddiga reer England ayaa inta badan xilli ciyaareedkan daafaca dhexe ee Man United xiddiga Raphael Varane tan ilaa markii uu ku soo biiray Xiddigu Man United.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*