Man United Oo War Fiican Ka Heshay Baacsigii Ay Ugu jirtay Saxiixa Jadon Sancho, Maxaa Cusub?

Kooxda Borussia Dortmund ayaa lagu soo waramayaa in ay ku qasbanaan doonto in ay hoos u dhigto qiimaha ay ku iibinayso xiddiga bartilmaameedka u ah Man United ee Jadon Sancho.

Xiddigii hore ee kooxda Man City ayaa wadahadalo kula jiray Man United xagaagii hore laakiin waxa uu iska sii joogay Borussia Dortmund kadib markii ay kooxdu dalabatay 120 milyan oo euro.

Kooxda Ole Gunnar Solskjaer ayaa la filayay in ay dib u soo cusboonaysiiyaan xiisaha xiddiga xagaaga soo socda halka ay sidoo kale tartanka kala kulmi doonaan kooxaha chelsea iyo Liverpool.

“Wargayska Sport1 ayaa sheegaya in ay Dortmund ku jirto dhaqaale xumo sabab la xidhiidha xanuunka Korona waliba hoos u dhigi doonto qiimaha Sancho si ay u iibiso.

Wararka ayaa sheegaya in ay Dortmund ogtahay in iibka Sancho kooxda caawin karo in ay kaga baxdo xaalada dhaqaale xumo waliba diyaar u yihiin in ay iska iibiyaan xiddiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*