Man United Oo War Fiican Ka Heshay Baacsiga Ay Ugu Jirto Dariwn Nunez.

Bayern Munich ayaa lagu soo waramayaa in ay ka baxday tartanka ay ugu jirtay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara Benfica ee Darwin Nunez sabab la xidhiidha lacagta lagu helayo oo aad u badan.

Xiddiga 22 jirka ah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 33 gool 4 kalena caawiye ka noqday 39 kulan oo tartamada oo dhan ah.

Man United ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa xiddiga reer Uruguay iyada oo la filayo in ay Suuqa u gasho weeraryahan cusub suuqa xagaaga.

Bayern Munich ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayay Nunez laakiin wargayska Bild ayaa sheegaya in ay kooxda Bayern isaga hadhay baacsigii ay ugu jirtay saxiixa xiddiga.

Wararka ayaa sheegaya in ay Bayern Munich doonayso lacag dhan 70 milyan oo euro sidaas darteed ayna Bayern Munich diyaar u ahayn in ay lacagtaas bixiso.