Man United Oo Wakhti U Qabatay Frenkie de Jong Si Uu Go’aan Uga Gaadho Ku Biirista Old Trafford

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Frenkie de Jong u qabatay wakhti uu ku go’aamiyo in uu ugu biirayo suuqa xagaaga.

Xiddiga 25 jirka ah ayaa muhiim ka ahaa kooxda Barcelona xilli ciyaareedkan waxana uu kooxdiisa u dhaliyay 4 gool halka uu caawiye ka noqday 5 kale 46 kulan oo uu saftay.

Frenkie de Jong ayay 4 sano uga dhimantahay heshiiskiisa kooxda Barcelona laakiin waxa jira shaki ku jira mustaqbalkiisa xiddiga.

Tababaraha Man United ee Erik Ten Hag ayaa doonaya in uu xiddiga Frenkie de Jong ka dhigto saxiixyadiisa ugu horeeya ee suuqa xagaaga.

Sida laga soo xigtay Sport, Man United ayaa doonaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe laakiin waxa ay u sheegtay xiddiga uu si deg-deg ah go’aan uga gaadho imaatinka Old Trafford.

Man United ayaa xiddiga u sheegtay in uu haysto muddo 2 todobaad ah si uu u muujiyo in uu doonayo in uu u dhaqaaqo Old Trafford inta lagu jiro suuqa kala iibsiga.