Man United Oo Wadahadalo La Qaadatay Xiddig Baxsad Ka Ah Kooxda

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo la qaadatay xiddiga Edinson Cavani xilli ay donayaan in ay ku qanciyaan in uu sii joogo wixii xilli ciyaareedkan ka dambeeya.

Xiddiga 34 jirka ah ayuu mustaqbalkiisa shaki ku jiraa kadib markii uu aabihiis sheegay in uuna wiilkiisu raaxo ku dareemayn Enland.

Caawiyaha tababaraha xulka qaranka Uruguay ayaa dhankiisa sheegay in uu Cavani isaga tago kooxda Man United kuna biiro koox uu si joogto ah ugu ciyaari karo xilli ciyaareedkan.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in ay Man United wadahadalo la qaadatay xiddiga si ay ugu qanciso in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga reer Uruguay ka hor damaadka xilli ciyaareedkan.

Cavani ayaa Man United xilli ciyaareedkan u ciyaaray 26 kulan tartamada oo dhan isaga oo dhaliyay 7 gool sidoo kale caawiye ka noqda 2 kale tartamada oo dhan xilli ciayaareedkan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 7 Wado Oo Cajiib Ah Oo Aad “Waan Ku Jecelahay” Ugu Odhan Karto Gacaliyahaaga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*