
Manchester United ayaa wadahadalo la yeelatay weeraryahanka Brentford Bryan Mbeumo sida laga soo xigtay talkSPORT.
Xiddiga garabka ka ciyaara ee Bees ayaa ku riyaaqay xilli ciyaareedkii ugu wax soo saarka badnaa ee xirfadiisa – isagoo ka caawiyay kooxda ka dhisan galbeedka London inay kaalinta tobnaad ka gasho miiska kala sarreynta.
Isagoo ka soo muuqday dhammaan 38-kii kulan ee Brentford ee Premier League, 25 jirka waxa uu dhaliyay 20 gool iyo todoba caawin.
Goolkiisii ugu dambeeyay ee ololahan ayaa yimid kulankii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka Axadii markaasoo ay barbaro 1-1 ah la galeen Wolves.
Hal sano oo kaliya ayaa ka harsan heshiiskiisa, Brentford waxay og tahay inay ku qasbantahay in ay iibiso xiddiga si ay lacag uga hesho.
Red Devils ayaana diyaar u ah inay tijaabiso go’aankeeda iyadoo tababare Ruben Amorim uu doonayo inuu isku keeno koox awood u leh inay dib ugu soo laabtaan Yurub.
Brentford ayaa ku qiimeysay Mbeumo aduun dhan 50 milyan oo Euro.
Be the first to comment