Man United Oo Wadahadalo La Furtay Juventus & Xiddig Ay Ka Doonayso Oo La Ogaaday.

Kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo la furtay Man United kuwaas oo ay ka doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Donny van de Beek.

Xiddiga 24 jirka ah ayaa ku bilowday kaliya 4 kulan oo premier League ah xilli ciyaareedkan waxana si weyn loola xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda bilaha soo socda.

Van de Beek ayaa la rumaysanyahay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda kadib markii uu xagaagii ku dhawaaday in uu ku biiro kooxda Everton.

Sida laga soo xigtay La Stampa, Juventus ayaa wadahadalo la furtay kooxda Man United si ay ugala hadasho sidii ay u heli lahayd saxiixa xiddiga reer Holland suuqa January.

Wararka ayaa sheegaya in ay Juventus doonayso in ay qaab amaah ah ku hesho xiddiga qaybta dambe ee xilli ciyaareedka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*