Man United Oo Wadahadalo La Furtay Badalka Mbeumo

Bryan Mbeumo ayaa ku faraxsan inuu sii joogo Brentford, sida laga soo xigtay agaasimaha kubada cagta Phil Giles iyadoo Manchester United ay la xiriirtay Aston Villa si ay u hesho weeraryahan kale.

Red Devils ayaa horay u xaqiijisay saxiixa Matheus Cunha si ay ugu xoojiso weerarka Ruben Amorim ka dib markii ay 62 milyan kula soo wareegtay xiddigii hore ee Wolves.

Man united ayaa riixaysay in ay Mbeumo ku darto kooxdeeda iyada oo xiddigu dhaliyay 20 gool premier League xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Brentford ayaa diiday dalab furitaanka oo ah 45 milyan oo euro iyo 10 milyan oo Guno ah kadib United ayaa ku celisay dalab 2-aad oo dhan 55 milyan oo euro iyo 7 milyan oo Guno ah laakiin Brentford ayaa kaasna diiday.

Waxa La fahamsanyahay in ay Brentford dalbanayso lacag dhan  65 milyan oo euro iyad oo xiddigu u sheegay kooxdiisa in uu ku biirista Man United.

Laakiin agaasimaha kooxda Brentford ayaa sheegay in laga yaabo in uu sii joogo kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Wargayska The Athletic ayaa haatan sheegaya in Man United dareenkooda u jeedisay xiddigo kale.

Isla wargayska ayaa sheegaya in Man United La xidhiidhay kooxda Aston villa iyaga oo ka doonaya xiddiga Ollie Watkins.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga