Man United Oo Wadahadalo La Bilowday Xiddig Uu Erik Ten Hag Doonayo.

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay ka shaqeyneyso inay bisha January la soo saxiixato daafaca kooxda Monaco ee Vanderson.

Red Devils ayaa la rumeysan yahay inay go’aansatay inay daafac midig oo cusub keento Old Trafford sanadka soo socda, iyadoo Aaron Wan-Bissaka ka baxay qorshaha Erik Ten Hag.

Diogo Dalot ayaa ah dookha 1-aad ee Erik Ten Hag isaga oo xilli ciyaareedkan si fiican ku bilowwday isla markaas caawiye ka ahaa 2 gool 8-dii kulan ee uu ciyaaray tartamada oo dhan.

Si kastaba ha ahaatee, Man United ayaa dooneysa inay xoojiso daafaca Midig isla markaas keento xiddig la tartami kara xiddiga Dalot waxana ay bartilmaameed ka dhigteen xiddiga kooxda Monaco ee Vanderson.

Wararka ayaa sheegaya in ay Man United haatanba wadahadalo la bilowday wakiilada daafaca si ay ugu qanciso in uu yimaado Old Trafford.

Kooxda Man United ayaa doonaysa in ay xiddiga Vanderson ka dhigto saxiixeeda ugu horeeya ee suuqa kala iibsiga January.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*