Man United Oo Wadahadalo Kula Jirtay Wakiilka Cristiano Ronaldo Si Old Trafford Ugu Soo Celiso Xiddig.

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo kula jirto wakiilka xiddiga Cristiano Ronaldo si ay ugu soo celiso xiddiga Old Trafford sida ay sheegayaan wararku.

Mustaqbalka Ronald ee Juventus ayuu shaki ku jiraa tan ilaa markii ay Juventus wareega 16-ka kaga hadhay champions League bishii Hore.

Sidoo kale 9-kii sano ee xidhiidhka ahaa ee ku guulaysiga horyaalka Serie A-da ayaa u muuqda mid soo dhamaanaya iyaga oo 11 dhibcood ka horeeya Inter Milan xilli 6 kulan ka dhimantahay dhamaadka xilli ciyaareedka.

Wargayska Gazzetta dello Sport ayaa sheegaya in ay kooxda Man United wadahadalo kula jirto Wakiilka xiddiga si ay ugu soo celiyaan Premier League dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay United diyaar u tahay in ay Ronaldo Miiska u saarto lacag dhan 30 milyan oo euro si ay u helaan saxiixa xiddiga reer Portugal si ay ugu xoojiyaan weerarka xilli ciyaareedka dambe.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Jacayl Oo Subax Wanaagsan Ah Oo Aad U Diri Kartid Gacalisadaada Subaxda Hore, Maalinta Oo Dhan Ayay Kaa Fikiraysaa Hadii Aad U Dirto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*