Man United Oo Ugu Dambayn Gabi Ahaan Isaga Hadhay Baacsigii Ay Ugu Jirtay Jadon Sancho

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay gabi ahaan isaga hadhay baacsigii ay ugu jirtay xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho sabab la xidhiidha horumar uu samaynayo xiddiga da’yarka ah ee ku jira Akademiyada kooxda ee Shola Shoretire.

United ayaa muddo dheer ku raad joogtay saxiixa xiddiga Sancho ka hor intii ayna diidin in ay bixiso lacagtii ay Borussia Dortmund dalbanaysay.

Tababare Ole Gnnar Solskjaer ayaa wali doonaya xiddiga 20 jirka ah waxana la filayay in ay Red Devils mar kale ku laabato baacsigiisa xagaaga dambe.

Laakiin wargayska Mirror ayaa sheegaya in xubin ka mid ah masuuliyiinta sare ee kooxdu ku qanacsantahay in ay Sancho-ha cusub laga heli karo Akademiyada kooxda.

Maamulka Kooxda ayaa xiddiga 16 jirka ah ee Shoretire u arka xiddig mustaqbal leh waxana ay doonayaan in ay muhiimada siiyaan xiddiga korna ugu soo dalacaan kooxda 1-aad marka uu 17 jir gaadho.

Sidaas darteed sabab la xidhiidha xiddiga Shoretire Man United ayaa go’aansatay in ay gabi ahaan isaga hadho baacsiga ay ugu jirto xiddiga Sancho.

Sii Akhriso: Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Maxamed Xuseen Rooble Oo Kulan La Qaatay Safiirka Somaliya Ee Midowga Yurub & Waxyaabihii Uu Kala Hadlay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*