Man United Oo U Gudubtay Wareegga 8-da Carabao Cup , Brighton Ayay Garaaceen

BRIGHTON, ENGLAND - SEPTEMBER 30: Scott McTominay of Manchester United scores his sides first goal during the Carabao Cup fourth round match between Brighton and Hove Albion and Manchester United at Amex Stadium on September 30, 2020 in Brighton, England. Football Stadiums around United Kingdom remain empty due to the Coronavirus Pandemic as Government social distancing laws prohibit fans inside venues resulting in fixtures being played behind closed doors. (Photo by Matt Dunham - Pool/Getty Images)

Manchester United ayaa u soo gudubtay wareega sideed dhamaadka Carabao Cup ka dib markii ay 3-0 ku xaaqeen kooxda Brighton oo marti loogu ahaa garoonka Amex Stadium.

Red Devils ayaa si sahlan ku dhaaftay koox ay dirqi uga badiyeen afar maalmood ka hor. Iyadoo McTominay uu hogaanka u dhiibay qeybtii hore ee ciyaarta, waxaa u labeeyay Juan Mata oo u dabaaldegay goolkiisii 50aad ee Man United halka Paul Pogba uu dilay ciyaarta isagoo dhaliyay goolka seddexaad.

Labada tababare ayaa isbedelo badan ku sameeyay shaxdoodii kulankii Premier League ee ay wada ciyaareen afar maalmood ka hor iyadoo Solskjaer uu shaxdiisa Man United ka bedelay ciyaaryahanka halka Brighton ay shaxdeeda ka bedeshay sagaal ciyaaryahan.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si caajis ah iyadoo Man United ay heshay fursadii ugu horeysay daqiiqadii 18aad markii Mata iyo Williams ay kubad ka soo dhiseen garabka midig iyadoo ugu danbeyn uu xiddiga reer Spain u baasay Ighalo oo boos fiican u taagnaa inuu dhaliyo laakiin dadaalkiisii wuxuu noqday inuu shabaqa dhinac ka toogto.

Goolhayaha Man United Dean Henderson ayaa isna la tijaabiyay markii ugu horeysay daqiiqadii 26aad isagoo kubad halis aheyd oo gool loo fishay ka badbaadiyay Jahanbakhsh.

Man United ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 44aad markii laad xor ah uu soo qaaday Juan Mata uu madaxa ku dhaliyay xiddiga khadka dhexe McTominay. Goolkaas ayaa lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta,

Qeybihii hore ee qeybta labaad ee ciyaarta waxba iskama bedelin sidoo kalena labada kooxood ma aysan abuurin fursado fiican ilaa daqiiqadii 73aad markii ay Manchester United ku guuleysatay inay hesho goolkeedii labaad ee ciyaarta.

Xiddigii caawiyaha ka ahaa goolka hore Juan Mata ayaa u saxiixay goolka labaad isagoo mar kale ay kubada isla soo dhiseen Williams ka hor inta aysan u dhiibin Fred oo isna u sii baasay Van de Beek oo taabasho cirib cajiib ah u sameeyay Mata oo isna shabaqa ku hubsaday kubada.

Waa goolkii 50aad ee uu Juan Mata u dhaliyo Manchester United tartamada oo dhan.

Paul Pogba ayaa natiijada dhinac u riday daqiiqadii 80aad markii uu dhaliyay laad xor ah oo ku sii dhacday darbigii xiranayay taasoo aan fursad siinin goolhaye Steele.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 3-0 oo ay Man United kaga badisay Brighton iyagoo u soo gudbay wareega sideed dhamaadka ee Carabao Cup.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*