Man United Oo U Dhaqaaqday Badelka Fernandes ,PL Ayay Ka Dhex Heleen

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay si weyn uga fiirsaneyso inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Aston Villa Morgan Rogers inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

23-sano jirkaan ayaa qaab ciyaareed fiican ku qaadanaya Villa xilli ciyaareedkii 2025-26, isagoo dhaliyay sagaal gool, waxaana uu diiwaan geliyay 7 caawin 34 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Dhanka kale Rogers ayaa saf ugu jira inuu England u matalo Koobka Adduunka 2026, waxaana macquul ah inuu bilow u noqdo seddexda libaax ee tartanka.

Xiddigan ayaa dhaliyay 7 gool 5 kalena caawiye ka noqday 24 kulan oo uu saftay horyaalka premier League xilli ciyaareedkan, waxaana la fahamsan yahay in uu raadaarka u saraan yahay kooxo waaweyn .

Aston Villa ayaa lagu waramay in wadada ay ku ceshan karaan laacibka in ay tahay iyaga oo u soo baxa Champion-ka, gaar ahaan iyadoo Rogers uu qandaraas kula jiro Villa Park ilaa xagaaga 2031, laakiin waxaa jiray warar la isla dhexmarayay oo ku saabsan mustaqbalkiisa.

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Spain, Man United ayaa u aragta Rogers bartilmaameed weyn xagaagan, iyadoo kooxdu ay dooneyso inay ku qarash gareyso adduun dhan 87 milyan ginni.

Rogers ayaa Villa kaga yimid Middlesbrough sanadkii 2024-kii, waxaana uu kooxdiisa haatan matalay 104 jeer, isagoo u dhaliyay 26 gool, wuxuuna diiwaan geliyay 24 caawin.

Laacibkaan ayaa dhab ahaantii matalay Manchester City intii u dhaxeysay 2019 iyo 2023, laakiin waligiis uma soo muuqan safka koowaad ee kooxda, isagoo waqti amaah kula qaatay Lincoln City, Bournemouth iyo Blackpool ka hor inta uusan u wareegin Middlesbrough.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga