Man United Oo Talaabo Muhiim Ah U Qaaday Saxiixa Jadon Sancho.

Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho.

Xiddiga reer England ayaa si weyn loo hadal hayaa bilihii ugu dambeeyay kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu ku soo bandhigay kooxdiisa Borussia Dortmyn.

Saxafiga Ian McGarry ayaa sheegaya in ay Man United heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga Jadon Sancho iyaga oo miiska u saari doona mushahar aad u sareeya.

Ian McGarry ayaa sheegaya in uu Jadon Sancho Man United la meel dhigay heshiis 5 sano ah oo uu todobaadkii ku qaadan doono 200 kun oo Gini todobaadkii.

Jadon Sancho ayaa xilli ciyaareedkan kooxda Borussia Dortmund u dhaliyay 17 gool sidoo kale caawiye ka noqday 17 kale 35 kulan oo uu ciyaaray Bundesliga.

Sii Akhriso: Wadamo Ka Tirsan Qaarada Africa Oo Diyaar U Ah In Ay Aqoonsadaan Somaliland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*