Manchester United ayaa xaqiijisay safkeeda safarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee ay ku mareyso Mareykanka.
Alejandro Garnacho, Jadon Sancho, Antony iyo Tyrell Malacia ayaa dhamaantood laga saaray 32-ka ciyaaryahan ee kooxda iyagoo doonaya inay ka tagaan Old Trafford.
Harry Maguire ayaan la duulin kooxda sababo la xiriira arimo isaga u gaar ah laakiin waxaa la rajeynayaa in uu kooxda ku soo biiri doono kulanka dambe.
Matheus Cunha ayaa lagu soo daray inkastoo uu hadda noqday aabbe mar labaad. Saxiixa cusub ee Bryan Mbeumo ayaa lagu soo daray Lisandro Martinez wuu safray laakiin ma ciyaari doono.
Marcus Rashford kuma jiro kooxda isagoo ku sii dhawaanaya inuu u dhaqaaqo Barcelona.
United ayaa wajihi doonta West Ham garoonka MetLife Stadium ee New Jersey Axada ka dibna waxa ay la ciyaari doonaan Bournemouth iyo Everton.
Halkan kaga bogo liiska Man United.
Goolhayayaasha: Altay Bayindir, Tom Heaton, Dermot Mee, Will Murdock, Andre Onana
Daafca: Diogo Dalot, Matthijs de Ligt, Patrick Chinazaekpere Dorgu, Tyler Fredricson, Ayden Heaven, Diego Leon, Lisandro Martinez, Noussair Mazraoui, Reece Munro, Luke Shaw, Leny Yoro.
Khadka Dhexe: Casemiro, Toby Collyer, Bruno Fernandes, Jack Fletcher, Sekou Kone, Kobbie Mainoo, Mason Mount, Manuel Ugarte
Weerarka: Amad, Matheus Cunha, Rasmus Hojlund, Bendito Mantato, Bryan Mbeumo, Chido Obi, Ethan Williams, Joshua Zirkzee.
Be the first to comment