Man United Oo Si Lama Filaan Ah Badalka De Gea Uga Doonaysa Premier League

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay isku dayayso inay la soo saxiixato goolhayaha kooxda Leicester City Kasper Schmeichel inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

David De Gea ayaa ah Goolhayaha 1-aad ee Man United laakiin Goolhayaha reer Spain ayuu qaab ciyaareedkiisu hoos u dhacay 12-kii bilood ee la soo dhaafay kadib khaladaad badan oo uu sameeyay.

Dean Henderson ayaa la filayaa in uu ku laabto Old Trafford xagaaga laakin wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay doonayso saxiixa Goolhaye Schmeichel.

33 jirkan ayaa kooxda Leicester City kula jira heshiis ilaa xagaaga 2023 ah waxana uu ku jiraa qaab ciyaareed fiican intii uu joogay kooxda.

Goolhayaha reer Denmarka oo uu Aabihiis yahay Halyeeyg Man United ee Peter Schmeichel ayaa ka soo baxay Akademiyada Man City isaga oo kaliya 10 kulan u saftay City.

Sii Akhriso: Safirka Shiinaha Ee Soomaaliya Oo Soo Gaadhay Somaliland

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*