Man United Oo Shaacisay Sababtii Ay Jadon Sancho Uga Iibisay Chelsea.

Agaasimaha ciyaaraha Manchester United Dan Ashworth ayaa shaaca ka qaaday in kooxda ay u ogolaatay Jadon Sancho inuu ku biiro Chelsea maadaama ay haysteen xiddigo ku filan oo ka ciyaara garabka.

Sancho ayaa Chelsea ugu biiray heshiis amaah ah oo hal sano ah iyada oo kooxda chelsea ku qasbantahay in ay toos ah ula wareegto xiddiga suuqa kala iibsiga xagaaga.

Agaasimaha Man United oo ka hadlaya sababtii ay Sancho uga iibiyeen chelsea ayuu yidhi”Runtii waxa aan haysanaa xiddigo badan oo ka ciyaara garabka”.

“Waxa aan haysanaa 4 xiddig oo ka ciyaara garabka, Sancho waxa uu ahaa xiddiga 5-aad”ayuu sii raaciyay.

“Arintaas ayaa noo saamaxday in aan qaadano go’aanka aan ku iibinay Sancho”ayuu hadalkiisa ku daray.

Sancho ayaa si Rasmi ah ugu biiray kooxda Chelsea maalintii ugu dambaysay suuqii kala iibsiga xagaaga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga