Man United Oo Shaacisay Lambarka Uu Cunha U Xidhan Doono Kooxda.

Saxiixa xagaaga ee Manchester United Matheus Cunha ayaa Ogaaday numberkiisa kooxda Man United ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Xiddiga reer Brazil ayaa ahaa saxiixii ugu horeeyay ee xagaagan United xilli Ruben Amorim uu doonayo in uu dib u habeyn ku sameeyo kooxdiisa kadib xilli ciyaareed xun.

Waxa uu kaga yimid Wolves heshiis loo malaynayo inuu ku kacayo 62.5 milyan oo euro waxaana haatan la shaaciyay lambarka cusub ee kooxdiisa.

Cunha ayaa xiran doona funaanadda la jecel yahay ee No10, isagoo ku biiraya safka dheer ee ciyaaryahannada halyeeyada ah sida Wayne Rooney iyo Bobby Charlton.

Xiddiga ayaa dhaxlay xiddiga Marcus Rashford oo la filayo in uu ka tago kooxda xagaagan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga