Man United Oo Real Madrid Ula Tagaysa Qorshe U Fududaynaya Saxiixa Raphael Varane

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay Real Madrid ula tagayso qorshe ay ku doonayso saxiixa daafaca dhexe ee Raphael Varane inta lagu jiro suuqa xagaagan sida ay sheegayaan wararku.

Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay Real Madrid u soo bandhigayso heshiis isku badalasho ah oo ay isku dhaafsan doonaan xiddigaha Raphale Varane iyo xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba.

Labada xiddig ayaa galaya sanadkoodii ugu dambeeyay ee heshiisyada kooxohooda waxana ay ilaa haatan diideen in ay heshiis cusub u saxiixaan labadooda kooxood.

Barnaamijka El Chiringuito ayaa sheegaya in ay Kooxda Man United Dhigeeda Real Madrid u soo bandhigayso in ay is dhaafsadaan labada xiddig ee reer France inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xgaaagan.

Man United ayaa suuqa ugu jirta daafac dhexe waxana ay doonaysaa Varane halka ay Real Madrid muddo xiiso u qabtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*