Man United Oo Qarka U Saaran In Ay Liverpool Ku Garaacdo Saxiixa Ibrahima Konate

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay Liverpool ka dul qaado saxiixa xiddiga kooxda RB Leipzig ee Ibrahima Konate sida ay sheegayaan wararku.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa la rumaysanyahay in ay xiddiga reer France u calaamadsatay saxiixa cusub ee kooxda inkasta oo ay kooxda RB Leipzig sheegtay in ayna wararkaas waxba ka jirin.

Sida Liverpool, Ole Gunnar Solskjaer ayaa raadinaya daafac cusub suuqa xagaaga waxana uu Ibrahima Konate u arkaa xiddig wax weyn ku soo kordhin kara kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe.

Wargayska Eurosport ayaa sheegaya in ay Kooxda Man United haatan qorshaynayso in ay Liverpool ka dul qaado saxiixa xiddiga Konate marka uu furmo suuqa xagaaga.

Xiddiga 21 jirka ah ayaa lagu qiimeeyaa lacag dhan 34 milyan oo euro waxana ay kooxdu diyaar u tahay in ay iska iibiso dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka Ma Jeclaatay Wiil Baraha Bulshada Aad Iska Barateen, Ma Doonaysaa In Uu Ku Jeclaado Oo Uu Waliba Qalbigiisa Ku Siiyo, 5-tan Wado Raac, Qalbigiisa Ayaad Dagaysaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*